Waqtiga ay bilaabanayaan diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Somaliland oo la shaaciyay

Guddiga doorashooyinka Somaliland  ayaa Maanta oo sabti ah soo saaray waqtiga rasmiga ah ee ay bilaabayao  diiwaangelinta Codbixiyayaasha Soomaaliland ee dooranaya golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu wareegto kusoo saaray waqtiga la bilaabayo diiwaangelin Codbixiyaasha Soomaaliland, taas oo loo asteeyay 29-ka Bishaan aan ku jirno ee November.

Guddiga ayaa waxaa ay sidoo kale soo badnhigeen Gobolada diiwangelinta laga sameyn doono, iyada oo la diiwangelin doono kuwa aan horay loo diiwangelin iyo kuwa hadda gaaray da’ada diiwaangelinta oo socon doona 29-Bishaan ilaa 13-ka Janaayo 2021.

Dhamaan Shacabka ku nool degaannada Soomaaliland ayaa Gudiga waxaa uu uga digay inay halmar ka badan is diiwaangeliyaan, sidoo kale kuwii horay isku diiwaam geliyay aan mar labaad la diiwaangelineyn.

Hoos Ka Akhriso Warka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland .