Guddoomiyaha Xisbiga WADANI ee Somaliland oo laga helay Coronavirus

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaawadka ah ee WADANI Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro ayaa la sheegay in laga helay cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku xaqiijiyay in laga helay Cudurka COVID-19, kaddib markii la baaray, waxaana uu sheegay in uu galay Karantiil muddo 7 cisho ah.

“ ALXAMDULILLAAH calaa kulli xaal, maanta waxa la iga helay Corona Virus [covid19] baadhis kaddib. Waxa aan ku jiri doonaa karantiin-iskay ah oo toddoba maalmood ah sida dhakhtarku ku taliyey. Caafimaadkayguna aad buu u fiican yahay ayuu yiri” Mudane Ciro.

Degaannada Soomaaliland ayaa waxaa uu kamid yahay degaannada Soomaaliya sida weyn uu u sameeyay Cudurka Coronavirus, waxaana dadka laga helay ku jira Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliland.