Gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Galmudug ayaa kulan maanta ku yeeshey Xarunta Gudiyada Baarlamanka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug
Kulan ayaa waxaa shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal
Ajandaha kulanka Gudiyada ayaa ahaay
1. Qabashada Hindise Sharci-yeed-yada Xukuumadda.
2. U gudbinta Hindise Sharci-yeed-yada Xukuumadda Golaha Sharci-dejinta.
Kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Gudoomiye-yaasha Guddiyada; Maaliyadda, Arr. Gudaha, Khayraadka iyo Amniga, waxaana Gudoomiyaasha kulanka kusoo gudbiyeen Koobbi kusaabsan Nuqulka Shuruucdii ay Ansixisay Xukuumaddu.



