Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay goordhow duqeymo ka geysteen degaano hoostaga degmooyinka, Beled-Xaawo & Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaareey.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in diyaaradaha oo ay leeyihiin Ciidamada Kenya ay duqeymaha ka fuliyeen degaannada , Baliga Harakoobe. Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable
Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqeymahaas, waxaana deegaannada la duqeeyay ay yihiin kuwo ay ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah.
Wararka kusoo kordha kala socda www.radiorisaala.com



