Kooxda Liverpool ayaa guuldaro weyn kasoo gaaray kulankii ay xalay fiidkii martida ugu ahayd Aston Villa, waxaana lagu karbaashay 7-2, taas oo noqotay guul-darro taariikhi ah oo tababare Jurgen Klopp aanu illoobi doonin.
Ciyaartoyda Liverpool ayaa ahaa kuwo aan kulankaba usoo diyaar gaboobin oo iska daawanayay ciyaarta, waxaana aan jirin khadka dhexe iyo difaaca, halka weerarkuna ay wiiqnaayeen oo ay tabayeen Sadio Mane oo ahaa laacibka kaliya ee safkii garaacay Arsenal ka maqnaa marka laga reebo goolhaye Alisson Becker oo isagana booskiisu bannaanaa.
Tababare Jurgen Klopp ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxa uu sheegay in qaladaad badan ay dhaceen, si dhab ahna loogu awood sheegtay ciyaartoydiisa, isaga oo hambalyeeyey Aston Villa.
Macallinka reer Germany waxa uu hoosta ka xariiqay waxyaabaha sababay in goolasha badan laga dhaliyo kooxdiisa, waxaanu yiri: “Waxa aanu kubadda ku luminaynay aagga qaladka ah, si fiicanna iskagamaanaan ilaalinayn.”



