Puntland oo ka hadashay sicir bararka ka taagan Suuqyada Puntland

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta iskugu yeeray kulan mihiim oo diiradda lugu saaray sidii wax looga qaban lahaa arrima sicir bararka iyo kor u kaca sarifka dollarka.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta Wasaaradda iyo khuburo aqoon yahan ah oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Dood iyo falaqayn ka dib Wasiirka ayaa magacabay guddi dhaqaale oo kasoo tala bixiya xaaladda sarifka ayadoo maalmahaan ay wasaaradda Maaliyadda Soo saari doonto siyaasaddo lugu xakameenayo arrimaha sarifka.

Waxaa uu sidoo kale beeniyay in Puntland lacago faaliso ah ay ku fasaxday Suuqyada degaanada maamulka Puntland.