Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump loo qaaday cisbitaalka si loo daweeyo, ka dib markii laga helay xanuunka COVID-19.
Aqalka Cad ayaa sheegay in go’aanka loogu qaadayo Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed “laga qaatay” taxaddar fara badan “.
Markii cisbitaalka loo qaadayey, madaxweynaha ayaa isaga oo si aayar u socda ka soo baxay Aqalka, xilli ay sugeysay dayuurad helicopter ah oo u qaadday cisbitaalka militariga ee Walter Reed oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee duleedka magaalada Washigton, DC.



