AMISOM iyo Galmudug oo ka wadahadlay dagaalka Al-Shabaab

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa kulan miro dhal ah la qatay Saraakiisha howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa ka qayb galay Taliyaha qaybta afaraad ee ciidamada AMISOM Sector 4 Col. Cabdiraxmaan Riyaale xareed, oo maanta soo gaaray caasimada Galmudug ee dhuusomareb.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa taliyaha war bixin ka siiyay muhiimada aay la haayeen howl galo maalmihii lasoo dhaafay laga sameeyay koonfurta magalaada dhuusomareb kuwaas oo Ciidamada Milatariga iyo Nabadsugida ay sameeyen.

Taliyaha Amisom Sector 4 Col Abdirahman Riyaale Xareed ayaa ku amanay Dowlada Iyo Ciidamada Galmudug sida geesinimada leh ee ay ula dagalameen Alshabaab waxaa a uu sheegay in Socdaalkooda u ku qotomay dhiirigalin iyo balaraanta Howlgalka Amisom ee Galmudug.