Wararka aan Caawa ka heleyno degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay mid kamid ah askarta Ciidamada ay Dowladda Soomaaliya ay geysay Gobolkaas.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rag hubeysan Suuqa Xoolaha degmada Cabudwaaq ku dileen Diiriye Barre Uboow, oo ka mid ahaa Ciidamada Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ee ka howlgallayay degmada Beledxaawo,waxaana rasaasta lagu furay ku dhaawacay hal qof oo Shacab ah.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in rasaas farabadan Caawa laga maqlay Xaafadaha Beledxaawo markii uu dilka dhacay, taas oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Beledxaawo ayaa Caawa howlgal ka wada degmadaas, iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay dilka askariga ka tirsanaa Ciidamada Soomaaliya.