Ururka Qareenada oo Sharci darro ku tilmaamay Xeer ay soo saartay Wasaarada Maaliyadda

Xoghayaha Guud ee Ururka Qareenada Soomaaliyeed  Daahir Maxamuud Cali ayaa sheegay in Xeer nidaamiye ay Wasaaradda Maaliyadda ay soo saartay oo ku socda Maxkamadaha dalka uu yahay mid gebi ahaan khilaafsan shuruucda dalka.

Shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markii la soo saarayo xeer nidaamiye ay soo saari karto kaliya cidda awooda leh,hayeeshee warqadda uu soo saaray wasiirka Maaliyadda ay isla xeerka khilaafsan tahay.

Xeerka ajuurada Maxkamadaha ayaa waxaa uu sheegay in uu soo saari karo kaliya Madaxweynaha Soomaaliya,isla markaana Canshuuraha uu aruurinaayo kaaliyaha Maxkamadda awooda u leh dacwadaha la furaayo.

Abuukaate Daahir waxaa uu sheegay in Wasiir Beyle uu kamid yahay xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay,sidaasi daraadeedna uu yahay kaliya siihaye xeerna uu soo saari Karin,waxaana uu sharaxaad eheri ah ka bixiyay Xeer  nidaamiyaha uu soo saaray Wasiirka iyo Xeer nidaamiyihii hore.

Tan iyo markii Siihayaha Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu soo saaray xeer nidaamiye, taas oo Canshuur looga doonayo Maxkamadaha dalka ayaa waxaa arrintaasi siweyn uga soo horjeestay Ururka Qareenada Soomaaliyeed.