Man United oo dooneysa xiddiga ugu dhaawaca badan Kubadda Cagta

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay heegan gelisay suurto galnimada helitaanka xiidga garabka Juventus Douglas Costa.

29 jirkaan ayaa loo arkaa inuu yahay bedelka ugu macquulsan ee Jadon Sancho, kaasoo weli ah bartilmaameedka ugu sareeya ee Man United laakiin qiimihiisa 108m ee BVB ayaa madax xanun ku ah Man Utd.

Shabkada Goal ayaa sheegeysa in ay kooxda Juventus haatan ka dhamaaday dulqaadkii ay u heysay Costa sababo la xiriira dhaawacyadii dhawaan soo gaadhay isla markaana ay aqbali doonaan dalabyada xagaagan u imaanaya.

Tababaraha cusub ee Juve Andrea Pirlo ayaa durbaba dib u habeyn weyn ku sameeyay kooxdiisii ​​tan iyo markii uu la wareegay, iyadoo Gonzalo Higuain, Miralem Pjanic, Sami Khedira iyo Blaise Matuidi oo dhammaantood ka weyn 30 jir laga diray kooxda.

Costa ayaa seegay qeyb weyn oo ka mid ah xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu seegi doonaa bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara, kaasoo labo sano uga harsan yahay qandaraaskiisa Allianz Stadium, ayaa weli doonaya inuu sii joogo Turin isla markaana u muujiyo qiimaha uu leeyahay tababare Pirlo.

Marka laga soo tago United, kooxo kale ayaa sidoo kale loo maleynayaa inay ka fiirsanayaan inay u dhaqaaqaan Costa, inkastoo rikoorkiisa dhaawac uu ku keeni karo jahwareer kooxaha doonaya.

Costa ayaa kaliya saftay 40 kulan oo Serie A ah labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, isagoo dhaliyay afar gool isla markaana abuuray sideed kale.