Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qarixii magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed geerida Xoghayihii Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Alle ha u naxariistee, Shaafi Raabi Kaahin oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxan, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ku lahaa isku xirnaanta ganacsatadeenna Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta maalgashiga dalka.

 “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxan ah in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan.