AMISOM oo War kasoo saartay qarax lagu weeraray Ciidamadooda

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war kasoo saaray qarax geystay khasaaro kala duwan oo Kolonyo kamid ah Ciidamada AMISOM lagula eegtay Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir.

War-Saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in Kolonyo kamid ah Gaadiidkooda oo kasoo baxay Xerada Maslaxa ee Magaalada Muqdisho qarax miino lagula eegtay xaafada Suuqa Xoolaha, isla markaana qaraxaasi uu ku burburay mid kamid ah Gaadiidka Xamuulka qaada oo Agab kala duwan u qaada Cidiamada AMISOM, sidoo kale uu ku dhintay hal Ruux oo Shacab ah oo goobta marayay.

“AMISOM waxay si xoogan u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday kolonyadooda 6/ 9/2020, waxayna tacsi u direysaa qoyskii uu ka geeriyooday qofka Shacabka ah, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya weli waa mid taagan oo sii wadaya la dagaalanka argagaxisada, iyaga oo garab siinaya Soomaaliya si loo raadiyo nabadda iyo xasilloonida dalka ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay AMISOM.

Sidoo kale AMISOM War-Saxaafadeedka kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in ay baarayaan sida uu qaraxa u dhacay iyo guud ahaan tirada dadka ku waxyeeloobay qaraxaas.

Gadiidka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore waxaa qaraxyo lagula eegtay Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwa, waxaana rasaas ay fureen qaraxa kadib waxyeelo ay kasoo gaartay dad Shacab ah.