Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay Kiisaska Cudurka Corona virus ee degaanada maamulka Puntland maalmihii ugu dambeeyay.
Puntland waxa ay sheegtay in kiisaska Cudurka ay sare u kaceen maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay walaac ka muujiyaan kororka Cudurka ee degaanada maamulka Puntland.
Waxaa la baaray maanta 25 qof oo 2 qof oo ka mid ah laga helay xanuunka safmareenka ah ee Covid 19, 2 qof xanuunka laga helay ayaa da’doodu udhaxaysaa 26 sano jir ilaa 35 jir, 2 qof xanuunka laga helo ayaa jooga Garowe.
Waxaa xanuunka ka soo biskooday 1 qof
Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa hada gaartay 405 qof waxaa udhintay 9 qof waxaa ka bogsaday 208 qof.



