Qarax noociiso yahay Miino ayaa goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow Isgoyska Sayidka.
Qaraxa ayaa lagu qariyay Jawaan, waxaana la sheegay ruuxii dhigay in uu goobta la baxsaday.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ka agdhow kaalin Shidaal iyo Goobo ganacsi.
Laba Qof oo Rayid ah ayaa la sheegay in ay ku Dhaawacmeen Qaraxan.