Man United Oo Lambar Cusub U Xirtay Mason Greenwood & Maaliyada No.7 Oo Loo Dhigay Xiddig Kooxda Imaanaya

Manchester United ayaa si ku talo gal ah u firaaqeysay maaliyada No. 7 iyagoo rajo ka qaba inay soo xerogelin doonaan xiddigii xiran lahaa lambarkaan ee laacibka Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Red Devils ayaa shaaciyay lambarada ay ciyaartoydooda xiran doonaan xilli ciyaareedkan, iyadoo Mason Greenwood uu u wareegay maaliyada No.11 oo ka mid ah maaliyadaha ugu caansan qolka labiska Man United.

Manchester United ayaa go’aansatay inay Greenwood siiyeen maaliyada No.11 oo uu caan ka dhigay halyeeyga kooxda Ryan Giggs.

Giggs ayaa xirnaa maaliyadaan waayihiisii ciyaareed ee Old Trafford oo dhan isagoo ku qaaday 13 koob oo Premier League ah

Sannadihii ugu danbeeyay ciyaartoyda xirtay maaliyadaan ayaa ku dhibtoonayay inay wacdarro dhigaan.

Adnan Januzaj ayaa lasiiyay ka dib markii uu wacdarro ku hoos dhigay David Moyes sannadkii 2014 laakiin markii la magacaabay Louis van Gaal waxaa laga iibiyay Real Sociedad.

Anthony Martial ayaa xirtay maaliyada No. 11 ka dib markii uu Zlatan Ibrahimovic ka siibtay maaliyada No. 9

Laakiin xiddiga Faransiiska ayaa ku soo laabtay lambarkiisii hore ee No. 9 markii uu u soo bandhigay tababare Ole Gunnar Solskjaer xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

 

Madaama uu haatan Greenwood qaatay maaliyada No. 11, waxaa weli banaan maaliyada caanka ah ee No. 7

Sida ay sheegtay ESPN waa talaabo ku talogal ah oo ay qaatay Manchester United kuwaasoo ka rajo qaba inay dhameysitiri doonaan saxiixa Jadon Sancho oo ay u xiri doonaan maaliyadaan.

 

Maaliyada No.7 waxaa soo xirtay xiddigihii abid ugu fiicnaa kooxda Shayaadiinta Cas Cas sida George Best, Eric Cantona, David Beckham iyo Cristiano Ronaldo.