Waxaa lagu soo warramayaa in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaadeen ciidamada AMISOM oo ku sugnaa galbeedka degmada Bullo-Burte oo qiyaastii 115km koofur kaga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen kuwa Al-kaddibna ay dib u gurteen. Wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaas lama soo sheegin, xaaladda ammaanka ee degmada ayaana hadda deggan weerarka kaddib.
Wararka laga helayo Buulo-Burde ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM ay duleedka degmadaas ka wadaan howlgallo ay uga jawaabanayaan weerarka.



