Madaxweyne Deni”Afar sannadood kadib muqdisho wax hormar ah uma kordhin”

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha maamulka oo Maanta Khudbad u jeediyay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay in kadib mudda afar sannadood ah, oo uu ka maqnaa Magaalada Muqdisho uusan arkin wax hormar ah oo ku kordhay.

Waxaa uu sheegay in dhibaatooyinkii heystay Shacabka caasimadda markii uu ka tagay wali ay wajahayaan loona baahan yahay in la helo isbadel wax ku ool ah.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Muqdisho oo ay ugu dambaysay afar sannadood ka hor, aysan waxba ku kordhin dhanka Hormarka iyo sugidda Amniga, isagoo tilmaamay in ay weli joogto halkii uu kaga tegay wakhtigaas.

Waxaa uu xusay  in afar sannadood kadib ay weli Amni-darro u xiranyihiin Waddooyinka Muqdisho, islamarkaan weli shacabku sidii uga cabanayaan waddooyinka xiran, taasi oo ay dheertahay burburka ka muuqda meelaha qaarkood.