Madaxweyne Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe oo Maanta kulan rasmi ah yeelanaya

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu kulan rasmi ah uga furmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland & Puntland.

Labada Madaxweyne Maamul goboleed ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyada oo u jeekoodu yahay sidii Madaxweynaha Soomaaliya ay ugala tashan lahaayeen arrimaah la xiriira doorashada Soomaaliya.

Kulanka Maanta ay yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa ay uga hadli doonaan xaalada dalka tabashada ay ka qabaan qodobada shirkii Magaalada Dhuusamareeb oo labada Madaxweyne aysan ka qeyb-gelin.

Waxaa la fi;layaa in ay sigaar ah uga hadlaan Arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya, ,maadaama la guda jiro xilli kala-guur ah, isla markaana dalka la filayo inay ka dhacaan doorashooyin iyo sidoo go’aan looga gaari lahaa.

Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ee Axmed Maxamed Islaam iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ay horay u diideen ka qeyb-galka shirkii Dhuusamareeb 3, iyaga oo sidoo kale kasoo horjestay qodobadii kasoo baxay, taas oo keentay inay yimaadaan Magaalada Muqdisho.

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ay cadaadis ku saareen inay yimaadaan Magaalada Muqdisho si ay Madaxda Dowladda ugala hadlaan Arrimaha doorashooyinka.