Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo la kulmay xubnaha beesha caalamka

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya sida Safiirada Mareykanka, UK, Sweden, Midowga Europe iyo Talyaaniga.

Kulankaan ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaraddaha  ee Muqdisho, waxaana diirada lagu saaray xaaladda dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021.

Madaxda maamulada ayaa sheegay in beesha caalamka ay kala Hadleen  sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND