Mahdi Guuleed oo la kulmay laamaha Amniga Soomaaliya

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaarada XFS, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa manta kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo hoggaannada Ciidamada Qaranka.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka , Janaraal; Odowaa Yuusuf Raage iyo qaar ka mid ah saraakiisha hoggaanka qeybaha dalka ayaa waxaa looga hadlay dar-dar gelinta iyo dhammaystirka dib u habaynta Ciidamada.