DFS oo baaris ku bilaawday Wasaarado & Shirkado looga shakiyay musuq maasuq

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan Wasaarado, Safaarado, Hay’ado iyo Shirkado looga shakisanyahay inay ku kaceen falal la xririira Musuq-maasuq.

Xeer Ilaaliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in marnaba aysan u dul qaadan doonin musuq maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne, isaga oo digniin u diray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Waxaa uu ku amray Wasaaradaha kala duwan iyo Hay’adaah dowladda inay la socdaan waxyaabaha ka socda Xafiisyadooda,isaga oo uga digay ku daneysi Xafiis dowladeed iyo inay saxiixaan waxaabaha aan la ogeyn sax ahaanshahooda.

Dhamaan Agaasimayaasha iyo madaxda kala duwan ee Wasaaradaha ayuu ugu baaqay in Amarada ay faraan mas’uuliyinta ka sareysa aysan fulin karin, iyada oo aan hubin ku sameyn Shaqooyinka loo diray lana ogeysiin Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.