Ciidamada Jubbaland oo gacanta ku dhigay Askari dil geystay

Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay Magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose kasoo qabteen Askari ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, kaas oo la sheegay in uu qof shgacab ah dilay qof kalena dhaawacay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen degmada dhoobleey ay u suurtagashay Ciidamada inay soo qabtaan askariga oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 43aad.

Waxaa uu sheegay in Askariga gacan ku dhiiglaha ah ay ku wareejin doonaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Maamulka Jubbaland si cadaaladda loo marsiiyo,sidoo kalena uu sheegay in dhawaan loo duulin doono Magaalada Kismaayo.

Howlgalka lagu soo qabtay Askariga la sheegay in uu dilka geystay ayaa waxaa ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo askariga gacan ku dhiiglaha ah, kadib markii ay rasaas is weey daarsadeen.

Maxkamadda Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay xukuno dil ah ku fulisay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda & Maamulka Jubbaland, kuwaas oo lagu helay inay dileen askar kale iyo dad Shacab ah intaba.