Tababaraha Arsenal Mikel Arteta oo ku dhawaaqay hadal xasaasi ah

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay inuu ‘aad u fiican yahay dareenka Pierre-Emerick Aubameyang  ku saxiixi doono qandaraas cusub ka dib guushoodii Community Shield ee Liverpool.

Aubameyang wuxuu ka gaabsaday inuu saxiixayo heshiis cusub, laakiin wuxuu qiray “inay tahay waqti xiiso leh inaad noqoto ciyaaryahan Arsenal ah” ka dib guushii Community Shield ee ay Gunners ka gaartay Liverpool.

Arsenal ayaa ku garaacday kooxda heysata horyaalka Premier League 5-4 rigoorayaal ah ka dib markii ay labada koox ku kala baxeen barbaro 1-1 ciyaartii ka dhacday Wembley.

Kabtanka Gunners iyo gooldhaliyaha ciyaarta Aubameyang ayaa saxiixay rigooradii ugu dambeysay si uu u dhameystiro guushii labaad oo ay kooxda woqooyiga London ka gaarto kooxda heysata horyaalka muddo lix toddobaad gudahood ah.

Wuxuu ahaa koobkii labaad ee Gunners bil gudaheed ku guleysato ka dib guushii FA Cup ay ka gaareen Chelsea bishii Ogosto 1.

Aubameyang ayaa u sheegay BT Sport ciyaarta ka dib: “Weli waxaa jira shaqo in la qabto u baahan laakiin runtii waan ku faraxsanahay waana waqti xiiso leh inaan noqdo ciyaaryahan Arsenal ah.

Markii la weydiiyay bal inuu cusbooneysiin doono qandaraaskiisa Arsenal oo haatan dhacaya xagaaga soo socda, Aubameyang – oo ah hogaamiyaha gooldhalinta kooxda labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeyay – ayaa yiri wax walba waa wax xamaasad leh.

Wuxuu yiri: “Waxaan arki doonaa maalmahaan waxa dhaca. Maanta waxaan qaadanay koobka, waa intaas waxa kaliya ee aan sheegi karo.

Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa sifiican uga dhawaajiyay suxufiyiinta hortooda ciyaarta ka dib heshiiska Aubameyang iyo kooxda guud ahaan inuu meel fiican arayo.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa u sheegay suxufiyiinta ciyaarta ka dib: “Haddii aan goolal dhalin laheyn waqti hore way nacaawin laheyd ciyaarta.