Dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa taageeray Go’aanka shirka Wadatashiga Garoowe ay ku yeesheen Puntland Iyo Jubbaland.
Taageerada maamulada ayaa timid kaddib Shir Qadka enternetka ay ku yeesheen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka, Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, iyo Koonfur Galbeed C.casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.
Waxa ay sheegeen in ay si weyn u soo dhaweynayaan maamulada Puntland iyo Jubbaland in ay kusoo biiraan go,aankii Dhuusamareeb.




