Dhammaan ciyaarahi kala sooca ahaa ee kubadda koleyga Mareykanka ee loo yaqaano NBA ayaa la hakiyay, sababo la xiriira caddaalad darrada isirka ku saleysan ee Mareykanka.
Ciyaaraha la hakiyay ayaa waxaa ka mid ah kuwo dhexmari lahaa Milwaukee iyo Orlando, Houston iyo Oklahoma City, iyo the Los Angeles Lakers vs Portland. Guddiga ciyaaraha NBA ayaa sheegay in kulamadaasi dib laga ciyaari doonno, laakin wali lama cayimin xilliga.
Ciyaartooyda kubbada koleyga Mareykanka ayaa sheegay in ay qaadaceen ciyaaraha, si ay u diraan farriin ku aadan caddaalad darrada dhanka isirka ah ee ay dadka madow ee inta badan ay kala kulmaan qeybo ka mid ah booliska.
Dhacdadi ugu danbeysay ayaa aheyd tii uu askari Mareykan ah dhaawac halis ah ugu geystay todobaadkan, Jacob Blake oo ka mid ah bulshada madow ee Mareykanka ee gobolka Wisconsin.
Toogashada Blake ayaa mar kale kicisay bannaanbaxyada dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda madowga Mareykanka. Waxaana habeenki saddexaad uu bandow saaranyahay magaalada Kenosha oo ah halka lagu dhaawacay Blake.



