Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya ee uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo, kaas oo Wasaaradda Warfaafinta Maanta kusoo bandhigtay munaasad ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa sheegay in Xeerka Saxaafadda ee uu saxiixay Madaxweynaha uusan waxba kala socon Maamulka Puntland,isla markaana aan lagala tashan.
Wasiirka oo la hadlay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in Xeerka Saxaafadda ay ku jiraan qodobo badan oo ay diideen Urrurada iyo Wariyeyaasha Soomaaliyeed,isa markaana uusan ka Shaqeyn doonin degaannada Puntland.
Bishii Janaayo ee sanadkaan ayaa Baarlamanka labada Aqal ay ansixiyeen Xeerka Saxaafadda, waxaana Wariyeyaasha Soomaaliyeed ay walaac ka muujiyeen qaar kamid ah qodobada ku jira Xeerka, iyaga oo Madaxweynaha ka socdsaday in waxka bedel lagu sameeyo, hayeeshee aysan suurtagelin.
Halkan Ka Akhriso Qodobada ay Urrurada Saxaafadda & Wariyeyaasha walaaca ka muujiyeen.



