Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.
Madaxweynaha oo warbixin ka dhegaystay Guddiga ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee u qabsoomtay, waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay halkaasi kasii wadaan.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni ay ka go’an tahay hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo hadda meel wanaagsan maraya, Xukuumaduna waa garab taagantahay Guddiga, iyadoo la illaalinayo madax banaanidoodada.



