Akhriso:-khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida

Inta a xaqiijiyay hal Ruux ayaa la sheegay in uu ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya laba beelood oo galabta ka dhacay degaanka Garasle oo ka tirsan dawlad deeganka Soomaalida Itoobiya.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dhamaan isgaarsiinta degaanka Garasle ee uu dagaalak ka dhacay ay maqan tahay,sidoo kalena uu jiro hub aruursi ay wadaan labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.

Xubno ka tirsan Maamulka dowlad Degaanka Soomaalida ayaa la sheegay inay ku baxeen degaanka uu dagaal beeleedka ka socdo,waxaana la filayaa inay Ciidamo kala dhex-dhigaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

Xaalada degaanka degaanka Garasle oo ka tirsan dawlad deeganka Soomaalida Itoobiya ayaa kacsan, waxaana dagaalka ka dhacay uu yahay mid dhowrkii sano ee la soo soo laab laabtay.