Madashu waxay caddeysay Guddiga Farsamada Doorashooyinka ee lagu dhisay Dhuusamareeb in uusan wax wadatashi ah la samayn Madasha, mana jiro kulan dhexmaray labada dhinac oo looga tashanayay arrimaha doorashooyinka.
Madashu waxay ka digtay mudo kororsi ay sameystaan Golayaasha dowladda iyo in uu firaaq dastuuri ah ku yimaado hay’adaha sharci dajinta dalka.
Waxa ay sidoo kale tacsiyeysay dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayay Hoteelka Elite Qaraxii ka dhacay.




