Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxyadii ka dhacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo taas oo waxyeelo ka soo gaaray dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Baledxaawo.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu xusay degaanda gobolka Gedo oo amaan ahaan in dowlada federaalka ay ku daabushay ciidamo kala duwan, isla markaana ay sugi wayday Amniga shacabka.
Deegaanada daawo oo kala ah Baladxaawo,Dolow iyo Luuq intii ay ku Jireen gacanta Jubbaland ayaa waxaa ay ahaayeen deegaamada Jubbaland ugu nabada badan balse tan iyo markii ciidanka dowlada Federaalka Soomaliya la geeyey gobolka Gedo ayaa waxaa muuqanaayey xaalado amni xumo oo ku soo kordhay gobolka Gedo.
Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland ayaa sheegay in dadkii ku dhintay falalka amni xumo ee ka dhacay gobolka Gedo ay masuuliyeeda qaadanayso dowlada Federaalka Somaliya.



