Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ahna Madaxweynihii sideedaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii ee galabta lagu qaaday hotel ku yaalla xeebta liido ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xassan Shiekh Maxamuud ayaa intii ku dhimatay alle uga baryey in naxariistiisa uu ka waraabiyo waxaana uu sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeeyey dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen.
“rabbi naxariistiisa ka waraabiyo dadkii qiimaha badnaa ee ku nafwaayey weerarkaas agagixiso sidoo alle ha u booga dhayo dadkii dhaawacyadu ay kasoo gaareen”.
Waxa uu sidoo kale tacsi tiiranyo leh u diray dhammaan eheladdii, qaraabadii iyo dadka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen dadkii ku nafwaayey weerarkaas.
“waxaan lee yahay samir iyo imaan alle ha idinka siiyo dadkii qiimaha badnaa ee lagu dilay weerarkaas.
“Dad qiima badan ayaan ku weynaa markasta weerrada argagixiso ee shabaabku ay ka geystaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaan lee yahay dadka Soomaaliyeed ha u midoobaan sidii ay naftooda iyo tan dadkooda uga bad baadin lahaayeen cadowgaas umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Xassan SHiekh Maxamud.



