Amniga Dhuusamareeb oo aad loo adkeeyay ka hor Shirka

Ciidamada Booliiska Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa Maalntii labaad oo xiriir ah waxaa ay Dhuusamareeb ka wadaan howlgallo kala duwan oo lagu sugayo Amniga Magaalada.

Howlgalka ayaa waxaa uu ahaa mid ku saasban in la diiwaan geliyo Gawaarida Magaalada ku sugan , kuwaas oo qaarkood Ciidamada Booliska ay muraayadaha Madow ka fiiqeen.

Howlgalka ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Cusub ee Booliska Magaalada Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi Maxamed, iyada oo laga sameeyay dhamaan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna duqa Caasimada Galmudug Cabdiraxman Geeda Qorow ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwo amniga lagu sugayo,isla markaana Ciidamada ay soo xareeyen gaadiidka Mooto Bajaajta oo Magaalada ka Shaqeeynayay.

Waxaa uu ugu baaqay Gudoomiyaha Gaadiidleyda Magaalada Dhuusamareeb inay ka qeyb qaataan Sugida Amniga,waxaana uu ka mamnuucay in Gudaha Magalada Dhuusamareeb Gaadiidka leh Muraayadaha Madow.

Howlgalladaan ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli 15-ka Bishaan uu Magaalada Dhuusamareeb ka furmo Shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.