DEG DEG:- Dagaal ka socda degaan ka tirsan Gobolka Mudug

Wararka aan ka heleyno Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal culus uu ka socdo Deegaanka Shabeeloow oo 20 km bariga kaga beegan Magaalada Bacadweyne ee Gobolkaasi Mudug.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo Dadka deegaanka,sida ay Risaala u sheegeen dad ku sugna degaanka uu dagaalka ka socdo.

Guddoomiyaha Deegaanka Bacadweyne Axmed Daahir macalin ayaa sheegay xiligaan in dagaalku yahay mid Culus,isla markaana dib ay ka faah faahin doonaan khasaaraha ka dhasha.

Wararka kuso kordha kala socda www.radiorisaala.com