Barcelona ayaa wajihi doonta Bayern Munich hal lug oo wareega 8da Champions League ah ka dib markii kooxda reer Catalans ay 3-1 kaga badisay xalay Napoli taasoo la micno ah in (4-2 celcelis ahaan labada lug ku badiyeen.
Kooxda Quique Setien ayaa soo galay kulankaan iyagoo cadaadis saran yahay ka dib markii hanashada horyaalka La Liga ay kaga badisay Real Madrid isbuucyo ka hor, laakiin Barca ayaa sii nooleysey rajada ay ka qabaan badbaadinta ololohooda.
Napoli ayaa si xoogan ku bilaabatay, laakiin Barca ayaa goolka furitaanka ku daah furay madaxa markii Clement Lenglet uu shabaqa gaaray 10 daqiiqo markii ay soctay ciyarta, iyadoo Lionel Messi uu laba jibaaray natiijada markii uu raciyay goolka labaad.
Messi ayaa u muuqday mid dhaliyay goolkiisii labaad ee kulankaan laakiin VAR ayaa goaamisay in ninka reer Argentine uu gacan ku qaatay kubada ka hor inta uusan shbaqa ku ridin.
Difaaca Kalidou Koulibaly ayaa si barer ah u dareeyay lugta Messi taasoo keentay in rigore lasiiyay Barcelona uu gool u bedelo Luis Suarez.
Kooxda reer Talyaani ayaa hal gool soo celisay dhamaadkii qeybtii hore, iyadoo Lorenzo Insigne uu rigoore dhaliyay ka dib qalad uu masuul ka ahaa Ivan Rakitic, isla markaana halis geliyay kooxdisa bilowgii qeybtii labaad, laakiin waxay naftooda ka dhaadhiciyeen inay gaari karaan sideed dhamaadka.
Gooldhalinta ayaa aheyd tii ugu fiicneyd Barcelona. si kastaba ha noqotee, waxay ahayd wax aad uga duwan kulamadii hore. Setien iyo ciyaartoydiisa ayaa u soo gudbay wareega sideed dhamaadka, halkaasoo ay ku wajihi doonaan Bayern Munich isbuuca soo socda, iyadoo kooxda reer Catalans ay aad uga awood badneyd kooxda Napoli.
Iyadoo Sergio Busquets iyo Arturo Vidal ay ka maqnaayeen Barcelona, Setien ayaa siiyay fursad Frenkie de Jong oo door muhiim ah ka ciyaaray kulankaan bartahama garoonka.
Xaqiiqdii, de Jong wuxuu ahaa ciyaaryahanka ugu fiican Barcelona garoonka dhexdiisa. Wuxuuna soo bandhigay qeyb kamid ah tayadiisii ugu fiicneyd xili ciyaareedkan. Taasoo keentay in loo doorto xiddigi ugu fiicnaa ciyaarta.
Lionel Messi ayaa hadda ka dhaliyay 35 kooxood oo kala duwan goolal Champions League.
Luis Suarez ayaa noqday kaliya ciyaaryahankii labaad ee reer Uruguay ee dhaliya 25 gool Champions League ka dib Edinson Cavani.