7 Qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 15 kalana ku dhaawacmeen, Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay Magaalada Ghazni ee Dalka Afghanistan.
Sida Wararka soo baxaya ay sheegayaan Qaraxa ayaa lala Damacsanaa cutub ka mid ah Ciidamada ilaalada dadweynaha, sida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha Gudaha Afghanistan oo uu soo xiganayo Wargeyska TOLO News.
Qaraxyada ayaa waxaa xigay isku day la doonayay in lagu qaado xarun ku taal aagga magaalada Ghazni, laakiin dhammaan xubnihii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in dilay ka hor inta ayan soo galin, sida uu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Afhgaanistaan Tariq Arian.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhaawacyada xaaladoodu darneyd ay Diyaarada u qaaday Magaalada Kabul si loogu daweeyo.
Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka illaa iyo hadda Afghanistan ka dhacay.



