Taliye Bariise oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo loo Magacaabay Qeybta Ilaalinta Canshuuraha

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan  xilka ka qaaday taliyaha laanta ilaalinta Canshuuraha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise.

General Cabdirisaaq Afguduud ayaa loo Magacaabay Taliyaha Qeybta Ilaalinta Canshuuraha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Afgaduud ayaa horay usoo noqday taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Puntland.

Taliyaha Ciidanka booliska ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay isbedello lagu sameeyay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.