Madaxweynaha Somaliland oo Hargeysa kula kulmay Wafdi sare oo ka socda Shiinaha

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefdi uu hoggaaminayey Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China “China-Africa Cooperation” (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao oo safar saddex maalmood qaatay ku yimid  Somaliland.

Ugu Horayn Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wefdiga warbixin guud ka siiyey horumarka ka hana-qaaday Somaliland ee ay iska kaashadeen shacabka iyo Maamulka, kaas oo sababay in beesha caalamku indhaha la raacdo kuna dhiiradaan inay maalgashadaan khayraadka kala duwan ee ku duugan Soomaaliland.

Waxaanu madaxweynuhu xubnaha wefdiga u sheegay in dalkani tusaale u yahay geeska afrika, marka loo eego horumarka dhinaca dimuquraadiyada ee uu ku tallaabsaday sagaal iyo labaatankii sanno ee u danbeeyey isbedelada dhinacyada badan leh ee ka hirgalay, haday tahay dhinaca doorashooyinka, hanaanka axsaabta xisbiyada qaranka iyo nidaamka qori-isu dhiibka ah ee hoggaanka dalka.

Ugu dambayntii Wafdiga ka socda Dowladda Shiinaha iyo Soomaaliland ayaa waxaa ay isku af-garteen in yeeshaan xiriir wanaagsan oo ku dhisan ixtiraam iyo in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarka.

Waxaana kulankaasi madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, macdanta iyo tamarta, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan China.