Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cusmaan (lugatuur)ayaa sheegay in Puntland ay kamid tahay maamulada uu saameynta ugu ballaaran ku yeeshay Cudurka Safmareenka ah oo Coronavirus oo Caalamka dad badan ku dilay,sidoo kalena Soomaaliya laga helay kiisas kamid ah.
Wasiirka oo la hadlay mid kamid ah Warbaahin ka howlgasha degaannada Puntland ayaa sheegay in laga soo bilaabo Mishoo Maarso ee snadkaan aysan Shaqeyn Saddexda Garoon ee ku yaalla degaannada Puntland maadaama dowladda Soomaaliya ay sababo lax iriira COVID-19 ay u joojisay duulimaadyada Caalamiga ah.
Waxaa uu sheegay in saameynta dhaqaale ee ka dhashay Cudurka coronavirus ay Puntland la qabtay dunida inteeda kale maadaama dhamaan dalalkaas ay joojiyeen isku socodka dhinaca Hawada ah.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan si kala gooni gooni ah waxaa ay u furtay duulimaadyada Gudaha iyo Dibadda,waxaaana ay sheegtay in saameyn ballaaran oo dhinaca dhaqaalaha ah ay ku yeesheen xirnaanshihii duulimaadyada ee sababta u ahaa COVID-19.