DAAWO:- SOMA & SJS oo ka hadlay Go’aanka lagu siidaayay Wariye Abuuja

Urrurada Warbaahinta Soomaaliya ee SOMA iyo SJS ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen go’aanka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay Maanta ku siideysay Wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja oo muddo dhowr bilood ah sharci darro ugu xirnaa dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha Urrurka SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin go’aanka Cadaaladda ah oo ay Maxkamadda Ciidamada gaartay,isla markaana ay aaminsan yihiin in Maxkamadda Ciidamada ay tahay mid dadka Soomaaliyed si cadaalad ah ugu adeegta,waxaana uu u mahad celiyay qareenadii u doodayay Wariyaha.

Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cabduwahaab Cabdullaahi ayaa sheegay dhankiisa in markii ay u doodayeen Wariye Abuuja ay dad badan cabsi muujinayeen,hayeeshee dhabar adeeg ay sameeyeen kadib ay ku guuleysteen in uu Wariye Abuuja Cadaalad helo.

Waxaa uu ugu baaqay Wariyeyaasha Soomaaliyeed inay dhabar adeegaan,sidoo kalena aysan qaadan hanjabadaha mararka qaar soo gaara,waxaana uu ugu baaqay Maxkamadaha kale ee dalka inay dadka Soomaaliyeed si cadaalad ah ugu Shaqeeyaan.

Halkan Ka Daawo Xoghayaha SOMA Maxamed Cabduwahaab Cabdullaahi

Halkan Ka Daawo Xoghayaha Urrurka SJS Cabdalla Axmed Muumin