Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray Mashaariic laga hirgaliyay Goldogob

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xariga ka jaray dhismaha Saldhiga dhexe ee degmada Galdogob iyo Suuq casri ah oo degmada laga hirgeliyey.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka lagu bixiyey dhismaha labadan xarumood oo muhim ah.

Dhismaha Saldhiga dhexe ee degmada Goldogob iyo Suuqa Casriga ah ee magaaladda waxaa ka shaqeeyey Wasaaradda Amniga, Taliska Booliska iyo Dowladda Hoose ee degmada oo kaashanaya Hayádda Care International.

 

 

Image may contain: 1 person, standing and outdoor
Image may contain: 8 people, people standing
Image may contain: 4 people, sunglasses