Madaxweyne Biixi oo la sheegay in uu diiday in uu la kulmo Safiirka Shiinaha

Safiirka dalka China u fadhiya magaalada Muqdisho danjire Qin Jian oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaan weli la kulmin Madaxweyne Biixi.

Danjire Jian, oo hoggaaminaya diblomaasiyiin ka tirsan safaaradiisa Muqdisho ayaa Sabtidii socdaal ku tagay magaalada Hargeysa, si uu Somaliland ugala hadlo xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Taiwan dhex maray oo uu safiirku si kulul u cambaareeyay.

Hase yeeshee danjire Jian ayaa saddex maalmood oo uu Hargeysa joogay aan weli la kulmin Madaxweyne Biixi, waxaana Safiirka qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, iyadoo uu wasiirka arrimaha dibaddu dalka ka maqan yahay.

Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in Safiirku arki kari waayo madaxweyne Biixi, laakiin waxa la dareensanyahay in dawladda China doonayso inay Somaliland weydiisato inay ka baxdo xidhiidhka cusub ee Taiwan.

Dawladda China ayaa si weyn uga hortimid, una cambaaraysay bilowga xiriirka Somaliland iyo Taiwan oo gaaray heerka ah inay wakiilo is weydaarsadaan.

Wakiilka ay Taiwan u soo magacowday JSL ayaa ku sugan Hargeysa, iyadoo la filayo in wakiilka ay Somaliland magacowday uu isna dhawaan u ambo baxo Taiwan.