Kooxda Kubadda Cagta ee Arsenal ayaa ku guuleysatay koobka FA Cup-ka kaddib markii ay guul ka gaartay kooxda Chelsea oo ay ka wada dhisan yihiin dalka Ingiriiska ama Britain.
Kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka caalamiga ah ee Wembley Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa Kooxda Arsenal waxaa ay ku badisay 2-1.
Daqiiqadii 5-aad ee Ciyaarta Kooxda Chelsea ayaa dhalisay Goolkii koowaad waxaana 1-0 ka dhigay oo goolka dhaliyay Christian Pulisic, kaddib markii uu Caawin ka helay saaxiibkiis Olivier Giroud.
Daqiiqadii 28-aad ayaa Kooxda Arsenal waxaa Goolka bareejada u dhaliyay weeraryahankooda Pierre-Emerick Aubameyang.
Qeybta labaad ee Ciyaarta ayaa Goolka Guusha waxaa Kooxda Kubadda Cagta Arsenal u dhaliyay Ciyaaryahan xiddiga reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang, sidaasina ay Koobka FA Cup-ka ku qaaday kooxda Arsenal.



