Shan Xubnood oo ay Magacaabeen Golaha Wasiirada xilka sii haya oo Sharci darro lagu tilmaamay

War-Saxaafadeed kasoo baxay Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa waxaa sharci darro lagu tilaamay Shan xubnood oo ka mid noqon doona Xubnaha Golaha adeegga garsoorka,kuwaas oo shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada xilka siihaya ee Xukuumadda Soomaaliya.

War-Saxaafadeedka oo uu ku saxiixan yahay Xoghayaha qareenada Soomaaliyeed Abuukaate Daahir Carab ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada soo jeedin karaan kaliya Saddex Xubnood oo kamid noqonaya Golaha Adeega Garsoorka, halka labada kale ay soo magacaabayaan Ururka Qareenada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxaa ay sheegeen in Shanta Xubnood ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya in aysan buuxin shuruudihii Ku xusan qoddobka 8aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka,,isla markaana Ururka Qareenada Soomaaliyeed ay qaadi doonaan talaab kasta oo sharci oo looga hortagayo ku tumashada sharciga oo ay samaysa Xukuumadda kalsoonida Baarlamaanka waysay.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Ururka Qareenada Soomaaliyeed oo dhameystiran.

Shalay oo ku beegneed 30/7/2020, waxaa la sheegay in Xukumadda xilka siihaysa ay magacaawday 5 Xubnood oo ka mid noqon doona Xubnaha Golaha adeegga garsoorka’ magacaabistaas waxay baalmarsantahay Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka sababaha soo socda awgood:

1- ugu horrayntii golaha wasiirradu waxay soo jeedi karaa 3 Xubnood oo ka mid noqonaaya golaha adeegga garsoorka’ labada kale waxaa soo magacaabaaya ururka qareennada Soomaaliyeed fiiri farqadda labaad ee qoddobka Qodobka 109A ee Dastuurka FKMG sidoo kale Xaraf E farqadda 1aad ee Qodobka6aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka sharci Le 28 soona baxay 8/7/2014’ waxay u qorantahay sidaan (Labo Qareen Sare oo xubin ka ah Ururka Qareennada soomaaliyeed uu soo magacaabay Golaha Qareenada soomaliyeed oo xilka haynayaa muddo afar Sano Ah ). waxaa cad oo aan shaki ku jirin in golaha wasiirradda ee Xilka siihaya ay magacaabeen xubno uusan dastuurku iyo sharcigu midna uusan siin magacabistooda.

2- Shanta Xubnood oo ay magacawday Xukuumadda Xilka siihaysa ma aha Xubno buuxiyay Shuruudaha Ku xusan qoddobka 8aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka.
3- Xukuumadda Xilka siihaysa shaqadeedu waa sii wadidda hawlihii horay Xukumaddu u bilawday inta aan lagala noqon kalsoonida’ Xukumad aan kalsoonida barlamaanka haysan ma magacaabi karto golayaal cusub mana keeni karto wax ka duwan hawlihii horay u socday sida laga fahmaayo micnaha qoddobka 103aad ee Dastuurka.

Ugu dambayntii magacaabista shalay dhacday waxay baalmarsantahay Dastuurka iyo sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka waana ku tumasho sharci oo qaawan’ sidaa awgeed waxaan labada aqal ee barlamaanka ka rajaynaynaa in aysan aqbalin sharci darro.

Sidoo kale waxaan rajaynayaa in ururka qareennadu qaado talaab kasta oo sharci oo looga hortagaayo ku tumashada sharciga oo ay samaysa Xukuumadda kalsoonida barlamaanka waysay.