Daawo:-Urrurada Saxaafadda Somalia oo sharci darro ku tilmaamay xukunka Wariye Gurbiye

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Wariye Cabdi Casiis Axmed Gurbiye oo ah Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada muqdisho, kaas oo Maanta markii Afaraad la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa Wariyaha waxaa ay ku riday Xukun lix bilood oo xariga ah iyo 5 Milyan oo Shillin Soomaali ah, iyada oo sheegtay in lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta, oo ku saabsan Wararka been abuurka ah,waxaana xukunka uu yahay mid uu gadan karo.

Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cabduwahaab ayaa sheegay in  Xukunka lagu riday Wariye Gurbiye uu yahay mid siyaasadeysan oo aan madax banaaneyn,sidoo kale wuxuu sheegay in aan weli la cadeyn cidda soo eedeysay Wariye Gurbiye.

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa dhankiias sheegay in  Cadaalad darro uu yahay xukunka lagu riday Wariye Gurbiye, isla markaana dhowr jeer la bedalay Eeda loo soo jeediyay Wariye Gurbiye.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS.