Waxaa Goordhaw furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ah kii 18-aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Ajendaha kulanka ayaa ah dhameystirka iyo u Codeynta wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda
142 Xildhibaan ayaa goobjoog ah fadhiga Golaha,waxaana haatan socda ka doodista Sharciga, iyada ii la filayo inay Xildhibaannada ansixiyaan.



