SAWIRO:-Shirkadda Somtel oo Adeeg Cusub kusoo bandhigtay Muqdisho

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ay markii ugu horeeysay Shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigtay Adeeg Cusub oo la magac baxay Muraad,kaas oo Bulshada Soomaaliyeed xilligaan ay la jaanqaadi karaan.

Soo bandhigista adeegaan ayaa yimid,kadib markii xog uruurin laga dhex sameeyay bulshada Soomaaliyeed lagu ogaaday inay badi isticmaalaan ku hadalka ee (oralSociety) ,isla markaana ay baahi u qabaan inay ku helaan qiimo raqiis ah si dadka dhaqaalaha badan heysan ay isticmaalaan,waxaana adeegaan loogu magac daray (Hadal oo ha daalin).

Mas’uuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa munaasabad lagu soo bandhigayay adeegaan waxaa ay ka sheegeen in hab nololeedka bulshada Soomaaliyeed uu Faa’idooyin badan aan la soo koobi karin u leeyahay,isla markaana uu daboolayo baahida ay u qabaan ku hadalka taleefoonka.

Adeegga Muraadso ayaa waxaa uu ka kooban yahay labo Xirmo oo waaweyn oo isugu jira kiro Maalinle & Todobaadle ah,kuwaas oo oo loo isticmaali karo in macaamiisha ay ku shibtaan taleefoonadooda $3 Dollar oo kaliya, iyaga oo muddo todobaad ah ku hadlaya,waxaa ay sidoo kale rukuman karaan Xirmooyinka Maalinlaha ah , iyagoo Mudo 24saac si Bilaash ah uga Sheekeeysanaya adeegga Muraadso.

Madaxa Xafiiska Iibka Somtel iyo Madaxa Suuqgeynta Somtel Mudane Axmed Ciise Xaji oo hadal kooban ka jeediyay munaasadda ayaa waxaa ay sharaxaad dheeri ah ka bixiyeen adeegaan Cusub iyo muhiimadda uu u leeyahay macaamiisha shirkadda iyo dadka danta yar.

Sidoo Kale Munaasabada waxaa ka hadlay Ganacsato, Dhalinyaro, Ururuda Haweenka Ururada Bulshada Rayidka ah Abwaano , Bahda Waxbarashada,waxaana ay soo dhaweeyeen adeegaan Cusub oo Shirkadda Isgaarsiinta Somtel u soo bandhigtay macaamiisheeda, iyaga oo sheegay in uu wax ka bedeli doonto baahida ay u qabeen ku hadalka taleefoonka.

Geba-gabadii waxaa munaasadda ka hadlay Agasimaha Guud Ee Waaxda Ganansiga C/laahi Cali Caamir isaga oo sheegay In Somtel ay Bulshada Soomaaliyeed u soo kordhisay Adeegaan muraad,isla markaana Bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka faa’iideystaan.