Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Maanta la Aasayo

Meydka Alle ha u Naxariiste Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo xalay laga soo qaaday dalka turkiga oo uu kugeeriyooday ayaa saakay la keenayaa Magalada muqdisho si salaada janaasada loogu dukado.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ,Guddoomiyaha Golaha Shacabka qaar kamid ah xubnaha labada Gole ee baarlamanka, xubno katirsan Golaha Wasiirada  ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan-Caadde uga qayb galaya Salaada Janaasada.

Intaasi kadib ayaa meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax  ayaa waxaa loo qaadayaa Magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal  si halkaasi loogu Aaso.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre iyo qaar kamid ah Wafdigiisii dhawaan dhuusa mareeb tegau ayaa waxa ay uga qayb galayaan Magalada Garowe oo ay horay u tagaeen Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo qaar kamid Madaxda maamul gobaleedyada oo dhamaantood Aaska ka qayb galaya.