Alle ha u naaxriistee waxaa xalay Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ay Tuulada Retreat oo ku taalla Magaalada Cape Town ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka ganacsi ahaan u tegay dalkaas, iyaga oo goobta ka baxsaday.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Axmed Xuseen Cadow ayaa ehelladaiisa waxaa ay sheegeen in rag hubeysan ay rasaas ku fureen xilli uu ku dhex-jiray Gaarigiisa oo yaallay Goob Ganacsi uu lahaa horteeda.
Majirin agab ay ka qaateen Muwaadinka Soomaaliyeed ay dileen Kooxaha Burcadda Koonfur Afrikanka ah,hayeeshee Goobta waxaa tegay Ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Afrika,hayeeshee aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dakii ka dambeeyay dilkaas.
Sanadkaan 2020 ayaa wadanka Koonfur Afrika waxaa dil iyo dhaawac loogu geystay in ka badan 20 Ruux oo Soomaali ah,kuwaas oo ilaa iyo hadda dilkooda aan dad loo qaban,sidoo kalena aysan ka hadlin dowladaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.



