Booliska UK oo xiray labo ruux oo diyaarad iyo rakaabki saarnaa halis geliyay

Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda lagu Magacaabo RynaAir ayaa duullimaadkeedi si degdeg ah u joojisay  kaddib marki suuliga diyaaradda laga helay farriin sheegeysa in diyaarad bam uu ku xiran yahay.

Diyaaradda ayaa kasoo duushay Magaalada  Krakow iyada oo ku sii jeedday magaalada Dublin, waxaana ay si deg deg ah ugu degtay Garoonka  Stansted ee Essex ka dib markii cabsi soo wajahday duulimaadka.

Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa si nabad ah uga degay ka dibna Ciidanka Booliska ayaa baaris ku bilaabay , waxaana ay  sheegeen iney diyaaradda ilaa iyo hadda iney ka helin bamka looga shakisanaa.

Booliskuna waxay xireen laba qof oo looga shakiyey iney diyaaradda iyo rakaabki saarnaaba halis geliyeen.

Ciidanka Booliska ayaa xabsiga dhigay labo ruux oo da’dooda lagu sheegay 26 iyo 47 jirro , waxaana looga shakisan yahay falka cabsi galinta ee Shacabka in ay soo abaabuleen.

“Diyaaradda iney si caadi ah u soo cagadhigatay, balse diyaaradda la geeyey meel cidhif ah iyada oo rakaabki diyaaradda saarnaa oo dhan si nabad ah ay uga soo dageen.”ayuu yiri Afhayeen u hadlay diyaaradda.